Madaxweyne Gaas Oo Ka warbixiyay heshiiska Imaaraadka carabta

Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wefti balaadhan oo uu hogaaminayo ayaa maanta safar shaqo u aadey dalka isutaga Imaaraadka carabta.

Madaxweynaha iyo weftigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha kanooko ee magaalaga Garoowe ku sii sagootiyey gudoomiyaha koowaad iyo gudoomiyaha labaad ee Baarlamaanka Puntland, masuuliyiin ka tirsan goloyaasha dawladda Puntland iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland.

Madaxweynaha oo kahadlay safarka ay ku tegeyaan isaga iyo weftigiisu dalka isutaga Imaaraadka Carabta ayaa waxa uu sheegay in uu daaranyahay arrimo la xiriira mashruuca casriyaynta iyo balaadhinta dekeda magaalada Boosaaso, kaas oo uu sheegay madaxweynuhu inuu marayo meelgebogebo ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.