Kismaayo:Madaxwyne kuxigeenka Jubaland oo Gudoomey Gadiid Cusub

sayid

Agaasimaha guud ee hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaliya G/Sare Maxamed Aadam Jimcaale Koofi ayaa maanta magaalada Kismaayo kula wareegay gawaari loogu talagalay in lagu ilaaliyo xaduudaha dalka.

Gaadiidkan ayaa waxaa laanta socdaalka iyo jinsiyadaha ku wareejiyay mas’uuliyiin ka tirsan hey’adda socdaalka aduunka ee IOM, iyadoo goob joog ay ka ahaayeen mas’uuliyiin uu kamid yahay madaxweyne ku xigeenka Jubaland Maxamuud Sayid Aadan iyo xubno ka tirsan hey’adda IOM.

Gaadiidka oo ah kuwo casri ah ayaa loogu talagalay in lagu ilaaliyo xuduudaha dalka ayagoo wax badan u fududeyn doono gaadiidkan hey’adda socdaalka iyo jinsiyadaha ee Soomaaliya si ay u gutaan waajibaankooda.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.