Dhagesyo:Diyaarad ka baxday Muqdisho oo loo weeciyey Wajeer Maxaa Isbadalay?

diya4a

Diyaarad Rakaab oo Maanta ka Duushay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Muqdisho ee Aadan Cadde ayaa sii martay Garoonka Diyaaradaha Wajeer,waxaana halkaas lagu baaray Rakaabkii la socday Diyaaradda.

Diyaaradda ayaa la sheegay in sidoo kale ay la socdeen Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya,waxaana ay arrintaan ku soo aaday Xilli Heshiis dhanka Duulimaadka ah ay kala saxiixdeen dhawaan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Kenya.

Sidoo kale waxaa dhaqan galay Heshiiska Labada Dowladood iyadoo Duulimaadkii ugu horeeyay oo Toos ah uu ka baxay Muqdisho Nairobina uu Toos u tagay 10 Sano ka dib, Hayeeshee waxaan la ogeyn Sababta ka dambeysa Diyaaradda Maanta ka baxday Muqdisho ee siimartay Wajeer oo lagu baaray Rakaabkii Saarnaa,balse Wararka qaar ayaa sheegaya in dhacdadaan Maanta ay u dhacday Cilad Farsamo oo aysan dhici doonin mar kale.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.