Xildhibaanada juubaland oo loo furay Kalfadhigii 3aad ayakoo Niyad jab kamuuqdo

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland ee Soomaaliya Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta oo Isniin ah furay kal-fadhigii Sadexaad ee Golaha Shacabka Jubbaland.

Kulanka koobad ee Kal-Fadhiga Sadexaad ee Golaha shacabka waxaa maanta goob joog ahaa 52 Mudane oo katirsan Golaha iyadoo sidaas uu kulanka ku furmay.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Jubbaland Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan ayaa kulanka furay isagoo Madaxweynaha uga warbixiyay Fasaxii ay mudada ku maqnaayeen iyo booqasho Xildhibaano katirsan Golaha ay ku tageen deeganada ay matalaan.

Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ayaa qudbad dheer ka jeediyay furitaanka Kal-Fadhiga Sadexaad ee Baarlamaanka.

Madaxweynahu wuxuu ugu horayn ka hadlay abaaraha dalka ka jira oo uu sheegay in ay sabab u tahay amaanka dalka oo aan wanaagsanayn iyo isku socodka oo xun maadama aan meelaha qaar ee Al-Shabaab ay maamulaan aan wax taakulo ah la gaarsiin Karin.

Isbadalkii dhawaan dalka ka dhacay waxaa Madaxweynahu uu sheegay in uu ahaa mid dadku ay aad usoo dhaweeyeen balse loo bahan yahay in Dowlada iyo madaxda Cusub la garab istaago oo lala shaqeeyo qofka u hooseeya ilaa midka u sareeya si Soomaaliya ay mar kale cagaheeda isugu taagto.

Dhinaca amaanka ayuu Madaxweynahu sheegay in amaanka Magaalada Kismaayo iyo Magaalooyinka kale xorta ahba uu yahay mid wanaagsan oo la isku halayn karo taasna ay ka timid isku duubnida Bulshada iyo Ciidanka isagoo Xildhibaanada kula dardaarmay in ay qaby ka qaatan wacyi galinta iyo ku baraarujinta Bulshada sidii ay Ciidamada ula shaqayn lahayeen.

“Amaanku maanta aad buu u wanaagsan yahay arintaasna waxay ku timid dadaal iyo wakhti aan galinay balse waxaa lagama maarmaan ah in aad laftigiinu Bulshada iyo Ciidamada aad sharciyan wacyi galisaan oo aad dadka dhex gashaan” ayuu yiri Madaxweynahu.

Hay’adaha kala duwan ee Dowlada ayuu Madaxweynaha Dowlada Jubbaland sheegay in Xarumo loo dhisayo si gaar ahna wuxuu xusay in Tv-ga Dowlada iyo Wasaarada Warfaafinta dhismo la siiyay oo hada dayactir iyo qalabayn ay ku socoto.

Dib u xoraynta ayuu Madaxweynahu sheegay in ay tahay wax waajib ku ah dadka iyo Dowladaba in Al-Shabaab lala dagaalamo oo dhulka ay haystaan laga xoreeyo.

“Dhamaan xubnaha Golaha Baarlamaanka iyo kuwa Xukuumada waa in aan dareeska wada xirana oo aan hawlgalkaas u wada istaagno Shacab iyo Dowlad” ayuu yiri Madaxweynahu.

Jubbaland shismaheeda iyo xoraynteeda ayuu sheegay in dad badan ay usoo dhinteen kuwo kalana ay diyaar u yihiin in ay naftooda u huraan Xoraynta iyo Nabadgalyada deegankan Mudane Axmed Maxamed Islaam.

Shirarka Golayaasha Dowlada ayuu sheegay in hada wixii ka danbeeya lagu qaban doono hadba deeganka la xoreeyo si dadku ay u ogaadan in ay Dowladan iyagu leeyahiin oo ay u adeegayso.

“Sharciyada dhulka Dowlada ayaa leh mana jirto sabarloog aan ahayn tii Dowladii Siyaad Bare oo shaqaynaysa isla markana dhul lagu haysan karo” ayuu yiri Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam.

Dowlada ayuu xusay in ay dhulka masuul ka tahay oo ay u samaynayso sharci iyo nidaam dhul bixineed oo heer caalami ah intaas waxa ka horeeyana aysan cidina dhulka si iskeed ah isaga dhisan Karin.

Baarlamaanka ayuu Madaxweynahu gaba gabadii ku dhiiri galiyay in ay shaqadooda dar dar galiyaan mudada Dowladan u hartay si wax miro dhal ah ay uga tagaan oo hadhow loogu aayo.

Madaxweynaha ayaa si rasmi ah u furay kulanka koobaad ee Kal-Fadhiga Sadexaad ee Baarlamaanka Jubbaland.

—DHAMMAAD—
ju

jubala

madobe

jubala

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.