Daawo:Madaxwaynaha jubbaland oo qiray in Dhib kajira Kismaayo Mar uu lahadlaayey Barlamanka Jubbaland

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland ee Soomaaliya Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta oo Isniin ah furay kal-fadhigii Sadexaad ee Golaha Shacabka Jubbaland Kulanka koobad ee Kal-Fadhiga Sadexaad ee Golaha shacabka waxaa maanta goob joog ahaa 52 Mudane oo katirsan Golaha iyadoo sidaas uu kulanka ku furmay.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Jubbaland Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan ayaa kulanka furay isagoo Madaxweynaha uga warbixiyay Fasaxii ay mudada ku maqnaayeen iyo booqasho Xildhibaano katirsan Golaha ay ku tageen deeganada ay matalaan.

Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ayaa qudbad dheer ka jeediyay furitaanka Kal-Fadhiga Sadexaad ee Baarlamaanka wuxuu ugu horayn ka hadlay abaaraha dalka ka jira oo uu sheegay in ay sabab u tahay amaanka dalka oo aan wanaagsanayn iyo isku socodka oo xun maadama aan meelaha qaar ee Al-Shabaab ay maamulaan aan wax taakulo ah la gaarsiin Karin.

Madaxwayne Axmed Madoobe ayaa sheegey hadii barlamanka qaylo kasoo yeerayso wa kasii darnaanaysaa hadii aad wax tabanaysaan soo gudbiya waxbaan ka qabanaynaa ha ahaato dhalinyarada iyo maamulka qaybihiisa kala duwanba, tani waxay imaa naysaa Bulshada iyo Barlamaanka Jubbland oo ku qanacsanayn hab dhaqanka maamulka Jubbaland qaybiiisa kala duwan iyadoo Barlamaanka qaar kamida laxiray qaarna loo caga jugleeyey.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.