Muuqaal:Madaxweynaha Puntland ayaa xariga ka jaray Masjid Cusub

Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa xariga ka jaray masaajid cusub oo laga hirgeliyey Madaxtooyada Garoowe Masaajidkaan oo ladhaho Masjidu Shuhadaa,

Munaasabadii furitaanka Masaajidkaan waxaa Madaxweynaha ku wehelinaayey Madaxweyne ku xigeenka Puntland Egn. Cabdixakiin Xaaji Cabdulaahi Cumey, Masuuliyiin katirsan goloyaasha Puntland, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Garoowe, culimo iyo wax garadka kale.

Madaxweynaha Gaas ayaa ugu horayn mahad u soo jeediyey cid walba oo gacan ka geysatey kana qayb qaadatay dhismaha Masjidu Shuhadaa, gaar ahaan Shiikh Cabdiqani Qorani oo ahaa farsama yaqaankii nashqadeeyey dhisay masaajidka, waxaana uu Illahay uga baryey in uu denbigooda dhaafo, khayrka ay u horseedeen shacab koodana Alle ku abaalmariyo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.