Jawaari oo lagu eedeeyay in uu wado Abaabul ka dhan ah wasiirada Hawiye

jawaari

Qaar kamida Baarlamaanka Soomaaliya ayaa shegay in Abaabulka ka dhanka ah Golaha Wasiirada Cusub ee uu soo Magacaabay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre oo uu Masuul ka yahay Guddoomiye Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari Kadib markii uu yimid xubno uu jawaari watay bedelkooda la qaatay kuwa kale, Waxayna Xildhibanadaan wax laga xumaado ku tilmaamay in Guddoomiyaha Baarlamaanka u Ololeeyo sida uu u hor istaagi lahaa wasirrada Hawiye.

Xildhibaanadaan ka tirsan Barlamaanka Soomaaliyeed ayaa sheegay in Nasiib darro weyn ay tahay in Guddoomiye Jawaari uu caqabad ku noqdo Golaha Wasiirada Cusub ee Hawiye, Guddoomiye Jawaari ayaa soo saaray Qoraal uu Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre uga dalbanayo in uu dib u eegis ku sameeyo golihiisa Wasiirada Cusub.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.