Culimada Soomaaliyeed Oo Baarlamanka ka Codsaday Meel Marinta Golaha wasiirada Cusub

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Keyre ayaa dhawaan magacaabay Golaha wasiirrada Xukuumadda Soomaaliya waxaana soo badanayeey codsiga ka imaanaya bulshada Soomaliyeed ee kala duwan kii ugu dambeeyey waxuu ka yimid Culumaa’udiinka Soomaaliyeed ayaa ka codsaday baarlamaanka federaalka Soomaaliya in ay meel mariyaan Xubnaha wasiirada.

Sheekh Nuur Baaruud Gurxan oo hadda ka mid ah xubnaha Guddiga Gurmadka Abaaraha ayaa sheegay in marxlad adag ay ku jirto nolosha dadka Soomaaliyeed , iyadoo taas ay jirto ayuu kaga digay xubnaha Golaha Shacabka inay ka horyimaadaan Wasiirrada Cusub ee baarlamaanka laga sugayo inuu meel mariyo.

“Soomaaliya marxalad adag ayay mareysaa uma baahna in leys jiid jiido baarlamaanka waxaan leeyahay Naga daaya mooshinkaan la sheegayo Waxaan idinka Codsanayaa in aadan ka shaqeyn dib u dhaca dalkiinna. “ Ayuu yiri Sheekh Nuur Baaruud Gurxan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.