Damaca Xildhibaanada Dan gaara mise dan qaran? W/Q Jimcaale

jim

Waxaa hubaal ah in aan soo marnay afar sano oo dib u dhac iyo Qatar soo wajahday qarannimada iyo madaxbanaanida Soomaaliya ,waxaa dayacmay xuquuqda shaqsiga Soomaaliga ah iyo tan guud ee shacbiga ,waxaa baylahoobay xuduudihii dalka,waxaa badatay faragelinta dawladaha shisheeye oo sida ay doonaan gacmaha ugula jira arimaha gaarka ah ee Soomaaliya,waxaa muuqata in aanaan hal dawlada ahayn ee naloola dhaqmay sidii dawlada badan ama dhawr ah,waxaa heshiisyo aan sharci ahayn,balanqaadyo iyo bixin hanti guud lala galay dawlado shisheeye oo ay ka mid yihiin kuwa deriska ah iyo kuwo kalaba.

Haddaba arimahaan oo dhan waxay xanuun iyo welwel badan ku abuureeen Ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa wadaniyadu ku dheer tahay,sidaas awgeed waxaa abuurmay kooxo isbedel doon ah oo aan islahaa waxay ka turjumayaan dareenka shacbiga,haddaba waxaa dhacay oo yimid isbedelkii la saadaalinaayey iyo shaqsigii shacbigu ku hamiyey,sidaas awgeed waxaa u hambalyeeyey shacbiga Soomaaliyeed baarlamaanka cusub sida ay uga mira dhaliyeen rabitaanka shacbiga.

Haddaba waxaa soo baxayaa qaylodhaan ka imaanaysa dhanka xildhibaanadii doortay Madaxweyne FARMAAJO IYO risawasaare khayre kadib markii la soo magacaabay wasiiro aan weli la gole keenin ansixintooda, anigana iigu muuqda inta badan in ay yihiin aqoonyahano lagu aamini karo talada dalka,Haddaba xubnihii isbedeldoonka oo laga soo sheegaayo in ay durba bilaabeen Mooshin ka dhan ah Golaha wasiirada ee magacaaban ma dan gaara bay raadinayeen mise dan qaran?Shacbiga baa ila qabo su,aashaan,waxaana dhegahu noogu taagan yihiin mooshinka ka dhanka ah xukuumada halka uu ku biyo shubto.dan gaarama dan qaran tan kale( maba dhalane dawrtaysan ogaa),inta laga gaaraayo boqolka maalmood ee balan qaadkoodii ugu horeeyey ma la sugi waayey,sawse uma eka in cadawga oo doonaaya in ayyan Soomaaliya dhaqaaqin lug kula jiraan arimaha iyo talada dalka,ayyada oo ay noo bidhaamayso rajo iyo mustaqbal ifaaya,W/Q Jmcaale.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.