Ma dhabaa in Mahamuud Sayid Aaden beeniyey Booqashada Uhuuru Kenyaatiga Keenya ee DHoobleey? W/Q jimcaale

jim

Waxaan daawaday TViiyo caalamiya iyo baraha wararka lagu faafiyo( Websites)ee Soomaalida oo soo bandhigay booqashadii qarsoodiga ahayd ee madaxweynaha Keenya Uhuuru ee DHoobleey,ma ahayn kaliya war la yiri oo kaliya ee waxaa la soo bandhigay maqal iyo muuqaal marqaati ma doonto ah oo xaqiiq ku filan (evidence) .

Fidiyow laga duubay DHoobleey wuxuu muujinayey diyaarad kuwa qumaatiga u kaca ah oo fadhida oo uu ka soo degaayo madaxweynaha Kenya oo ku lebisan deriiska ciidankiisa oo ay wehliyaan wafti isaga la socday,waxaana soo dhaweeyey cutubyo ciidanka Keenya ah oo ku lebisan deriiska caanka ah ee ay qaataan Ciidanka AMSOM oo salaan sharaf siiyey Uhuuru, iyaga oo ku hadlaaya afkooda Sawaaxiliga ah,dabadeedna uu asagu ka qudbeeyey halkaas.(QORAXDU WAX SACAB LA SAARI KARO KA WEYN).

Waqtiga warkaan la shaacyey oo ahayd 19/03/2017,isla baraha wararka faafiya waxay soo qoreen war ay ka soo xigteen Madaxweyne kuxigeenka dawlad goboleedka Jubalaandi Maxamuud Sayid Aaden oo beeninaaya in Uhuuru Kenyaata uu booqashadaas qarsoodiga ah ku yimid Dhoobleey.Haddaba waxaan ognahay in ciidamada Keenya ee qaybta ka ah AMSOM ay Soomaaliya ka joogaan gobolada Gedo iyo Jubada Hoose,sidaas awgeed hadaysan ahayn Dhoobleey halka Uhuuru booqday meesha kale ee uu ciiddanka AMSOM ee Keenya ku booqday ha noo sheegeen maamulka Jabalaandi.

Isku soo wada duub bulshada Soomaaliyeed oo aan anigu ka midka ahay ma qaadan karto mas,uul Soomaali ah in tilabadaas sharafdilka ah oo karaamada qaranka Soomaaliya Uhuuru ku sameeyey uu maro saaro oo raadkeeda tir tiro,sidaas awgeed mudane Maxamuud Sayid Aaden ilama aha in uu inkiray arintaas hayska bariyeelo haddii la masabiday waana arinta igu kaliftay in aan qormadaan qalinka u qaato,haddayse dhacday oo ay xaqiiq tahay waa arin shacbiga Soomaaliyeed gaar ahaan ka Jubalaandi waxay ka sugayaan

madaxweyne Axmed Maxamed Islaan,xukuumada jubalaandi iyo golaha shcbiga Jubalaandi Tilaabada ay ka qaadaan ama in ay la qabaan haddayba dhacday.Wabilaahi Towfiiq.Cabdullaahi Jimcaale Faarax.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.