Wasiir Gaashandhiga Soomaliya oo kormeer ku tagey xarun lagu tababari doono Saraakiisha

diini

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane C/qaadir Sheekh Cali Diini ayaa kormeer ku tagey xarun ay u dhiseen Dawladda Turkigu Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed oo ku taalla deegaanka Jaziira ee duleedka magaalada Muqdisho. Waxana ay xaruntani soo saari doontaa Saraakiil loo tababarey qaabka casri ah.

Dhismaha Xaruntani oo hadda maraya heer gabo-gabo ah ayaa waxaa lagu wadaa in uu soo dhamaado waqti dhow, si loogu bilaabo howshii loo diyaariyey, waxana Wasiirka iyo Saraakiil ka tirsan Ciidanka Turkigu ay kormeer ku sameeyeen guud ahaan qeybaha kala duwan ee ka kooban yahay dhismaha xaruntani, Wasiirka Gaashaan dhiga ayaa uga mahadceliyey Turkiga taageerada xoogan ee mar walba ay la garab taagan yihiin dawladda iyo Shacabka Soomaaliyeed.
diini

diini

diini

diini

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.