Xoghayaha Arrimaha Dibadda UK Boris Johson oo lakumay madaxwaynaha Somalia

Xoghayaha Arrimaha Dibadda dowladda Ingiriiska Boris Johnson iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta soo gaarey magaalada Muqdisho.

Boris Johnson ayaa Kulan albaabada u xiran kula qaatey Villa Somalia Madaxweyne Maxa’ed C/llaahi Farmaaj, Booqashada Boris Johnson oo ahayd mid qarsoodi ah oo aan horey loo shaacin ayaa waxay ujeedkeedu yahay in Madaxda cusub ee Somalia kala hadlo arrimaha abaaraha, amniga iyo shirka looga hadlayo arrimaha Somalia ee Bisha May lagu qabanayo magaalada London.

Waxyaabaha ay kawada hadleen ayaa waxaa kamid ah sida ay wararka nagu soo gaarayaan arrimaha abaaraha, la dagaalanka Xarakada Al shabaab iyo Shirka London, ee soo qaban-qaabisay dowladda Ingiriiska oo furmayo Bisha May.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.