Maqaal: Ciidamada Itoobiya iyo Degmada Baardheere.

Warbixin Xasaasi ah.

Itoobiya iyo Baardheere.

Ciidanka itoobiya ee jooga magaalada baardheere oo bilaabay musuq maasuq xoogan iyo Faragalin ka dhan ah hawlaha degmadaasi.

Xogo lagu kalsoonan karo oo kusugan gudaha magaalada baardheere ayaa xaqiijiyay in ciidamada itoobiya ee jooga magaalada baardheere ay wadaan faragalin xoogan iyo qaadashada lacago laaluush ah iyagoo magaalada kawada faragalin qaawan oo Ku Aadan arimaha siyaasada iyo dhaqanka.

Xogaha ayaa sheegaya in arinkan ay bilaabeen ciidamada itoobiya dhawaanahan waxaana ay aad uga dabashanayaan arimo ugaar ah maamulka degmadaasi iyagoo shirar qarsoodi lasameeyo qaar kamid ah ogayaasha dhaqanka magaalada baardheere oo ay kuqasbaan in shirarkaasi ay yimaadaan mararka ay iyaga u yeeraan.

Waxaa kaloo ay bilaabeen ciidamada itoobiya in lacago baad ah ay kaqaataan dadka sida ganacsiga ah u isticmaala garoonka diyaaradaha ee magaalada baardheere hadii ay ahaan lahaayeen ganacsata qaadka iyo kuwaa kale ee iyana sida kale uga dhex ganacsada magaalada baardheere waxaa ay sameeyaan handaad iyo caga juglayn ay kula dhaqaaqaan gacansatada si ay lacago baad ah uga qaadaan

Ciidamada itoobiya ee jooga magaalada baardheere ayaa dhawaan is hortaag kusameeyay deeq raashin ah oo loo qaybinaayey dad barakacayaal ah taa oo keenaty in muran uu soo kala dhexgalo saraakiisha ciidanka itoobiya iyo madaxa arimaha bulshada ee maamulka degamada baardheere taa oo keenaty in gacan kahadalay uu dhaco waxaana ugu damabayn lagu guulaysatay in gargaarkii la qaybiyo waxaana ciidanka itoobiya ay raashinkaasi karabeen sida la ii xaqiijiyay in laga siiyo lacago ay dalbadeen iyadoo ay usocon wayday in ay qaataan lacagihii ay sheegteen.

Qaybintii raashinka kadib sarkaalka ugu sareeya ciidanka itoobiya ayaa u yeeray madaxa arimaha bulshada maamulka degamada baardheere in uu yimaado taliska ciidanka itoobiya ee baardheere balse masuulka looyeeray ayaa kadhaga adaygay in uu u tago ciidanka itoobiya ee u yeeray waxaana taasi ay keentay in uu sarkaalka ugu sareeya ciidanka itoobiya uu mar kale amray in lasoo xiro masuulka diiday amarkaasi.

Dhawaanahan waxaa si cad oo aan gabasho lahayn ay ciidanka itoobiya iyo saraakiisha hogaamisaba ay faragalin iyo carqalatayn xoogan ay kuhayeen arimaha maamul ee degmada baardheere waxaana durbaba soo baxay khilaaf aad u xoogan oo soo kala dhexgala maamulka degamada baardheere iyo taliska ciidanka itoobiya ee jooga degmada baardheere.

Xubna kamid ah maamulka degmada ayaa qaatay talaabo ay kaga falcelinayaan dhibaatada ciidanka itoobiya ay kuhayaan dadka kunool degmadaasi iyagoo ciidanka itoobiya ugu baaqay in ay faraha kalaabtaan arimaha maamul ee degmadaasi iyo jooginta hanjabaada iyo caga juglaynta ay kuhayaan dadka shacabka ah.

Wali ma muuqata in ay u hogaansameen amarka la siiyay ciidanka itoobiya ee ah joojinta xadgudubyada ka dhanka ah shacabka degmadaasi kunool hada ahaatee qaar kamid ah maamulka degmada baardheere ayaa wacad kumaray in ay bixin doonaan jawaab Ku haboon faragalinta qaawan ee ay itoobiya kawada gudaha magaalada baardheere.

Faragalinta iyo qaadashada lacagaha baada ah ee ciidanka itoobiya ay sameeyeen ayaa aad usoo ifbaxaday kadib markii ay ciidanka itoobiya diideen in garoonka diyaaradaha ee magaalada baardheere ay soo caga dhigato diyaarad amar buuxa ka haysatay in garoonka ay kusoo dagto maamulka degmada baardheere taa oo ay ciidanka itoobiya Ku amreen in anay garoonka kusoo dagin iyadoo aanan labixin lacag ay dalbadeen ciidanka itoobiya oo ganacsatadii diyaarada ay kusocotay ay sheegeen in lacag sharci ah ay bixiyeen midkale oo baad ahana ayna aqbalayn amarna ay kahaysteen maamulka degamada baardheere in ay diyaaradooda soo caga dhigato madaarka diyaaradaha ee magaaladaasi waxaana taasi ay sabab u noqotay in banaanka uu usoo baxo khilaaf horey u qarsoonaa oo u dhaxeeyay gudoonka magaalada baardheere iyo taliska ciidanka itoobiya iyadoo ugu damabayn uu khilaafkaasi kusoo biyo shubtay in la kala istaago oo aan sidii hore loowada shaqaynin.

Ugu Dambayntii. Arinkan ayaa imaanaya xili xubna kamid ah maamulka degmada baardheere ay qaateen go,aan geesinimo leh oo ay xiriirka ugu jareen saraakiisha itoobiya ee jooga magaalada baardheere kuwaa oo hakiyay wadashaqayn dhexmarta iyaga iyo saraakiisha Tigreega oo waday dhibaato aan gabasho lahayn oo ay kuhayaan dadka kunool degmadaasi.

W/Q.khadar maxamed siraaad

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.