MadaxweyneSoomaliya oo Shir gudoominaya Shirka looga hadlaayo Abaarta Soomaaliya

shir

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa furay shirka gurmadka Abaaraha Soomaaliya ee u dhaxeeyey beesha caalamka iyo dowladda Federaalka Sooomaaliya,Shirkaan ayaa ka dhacaya xarunta xalane ee Magaalada Muqdisho, waxaa ka qeyb galaya dalalka deeq bixiyaasha iyo mas’uuliyiin kale, waxaa looga hadlayaa sidoo kale sida ugu haboon ee gurmad deg deg ah loo gaarsiin karo dadka Soomaaliyeed ee Abaaraha halakeeyen.

Dhinaca kale wakiillada beesha caalamka, ayaa sameeyey ballan-qaadyo ay ku sheegeen in si deg deg ah loo fulinayo, Ra’iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cumar Carte ahna guddoomiyaha guddiga Gurmadka Qaran ee abaaraha, ayaa ka warramay natiijada ka soo baxdey shirkii maanta ee gurmadka abaaraha Soomaaliya looga hadlayey.

Madaxweynaha ayaa sheegay in shirka May ka dhici doona London ee arrimaha Soomaaliya looga hadlayo in ay geyn doonaan istaraatiijiyad cad oo ay dowladda ka leedahay abaaraha soo laa laabtay, waxa uu ugu baaqay Midowga Africa, Midowga Yurub, OIC iyo saaxiibada caalamka in ay kala qeyb-qaataan badbaadinta nolosha dad badan oo Soomaaliyeed, madaxweynuhu waxa uu xusay in abaarta ay gobolka oo dhan ka jirto, laakiin Soomaaliya ay u nugushahay xilligaan, waxa uu si gaar ah uga hadlay in muhiimaddu ay tahay in gurmadka laga bilaabo waxyaabaha aas-saasiga u ah nolosha bini’aadamka.
shirshirshir

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.