Tababar Magaalada Baardheere loogu qabtey Bahda Isboortiska “Masawiro”

Iyadoo dhowaan loo diyaar garowayo Furitaanka dhismaha Garoonka kubada Cagta ee degmada Baardheere oo dhismahiisu bilahii ugu dambeeyey ay ka socotey gudaha degmada ayaa markii ugu horeysay waxaa Xarunta Cusub ee Maamulka degmada Baardheere lagu qabtey tababar kor loogu qaadayo Aoonta Ciyaartoyda ,Tababaraaysha,Grsoorayaasha iyo Xubno ka tirsan Guddiga dabagalka Mashaariicda Bulshada.

Tababarkani oo ay soo abaabuleen Mas,uuliyiinta Maamulka degmada Baardheere ayaa socondoona muddo 10 maalin ah,waxaana ka qeyb galaya xubno gaaraya ilaa 20 ruux oo isugu jira rag iyo Dumar,waxaana Xafladii furitaanka Tababarkani ka Hadley Macalin Xuseen Xalane oo ah Madaxa Arimaha Bulshada Maamulka Baardheere oo Ujeedada tababarkani laga leeyahay ku sifeeyey kor u qaadida aqoonta ciyaartoyda, sidii ay ugu diyaar garoowi lahaayeen maamulida Garoonka iyo Xoojinta tartamo xaga ciyaaraha .

Xubnahii kale duwanaa ee ka xaflada furitaanka Tababarka ayaa waxay u mahad celiyeen Maamulka degmada oo ay ku amaaneen dib u dhiska iyo casriyeynta lagu sameeyey Garoonka Kubada Cagta degmada Baardheere ,iyagoo talaabadaasina ku tilmaamay mid wax ka tari doonta bilicda magaalada iyo xoojinta tartamada.

Garoonka cusub ee kubada Cagta degmada Baardheere ayaa noqonaya Garoonkii ugu horeeyey,uguna casrisanaa ee laga dhiso Gobolka Gedo,waxayna talaabadani ku soo beegmaysaa xilli Magaalada Baardheere laga hergeliyey mashaariic leh dib u dhis iyo horomarin.
bardhere

bardheere

bardheere

bardheere

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.