Madaxweynaha Soomaaliya oo Booqday Xabsiga dhexe

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya ahna Taliyaha ugu sarreeya Ciidamadda qalabka sida Mudane Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa maanta Booqday Xabsiga dhexe ee Xamar,isagoo soo kormeeray qeybaha Xabsiga uu ka kooban yahay sida Qolalka ay ku xiran yihiin Maxaabiista, Xarunta Warshada tababarka Maxaabiista, Goobaha waxbarasho iyo xarumo kale, waxaana Madaxweynaha Xabsiga kusoo dhaweeyey Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed sarreeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac, Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Axmed Cali Daahir, Wasiirka Cadaaladda Gen C/llahi Jaamac Ilka-jiir iyo Saraakiil kale.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa tagey Xarunta tababarka Maxaabiista oo ay ku sugnaayeen Maxaabiis shaqeyneysa,Isagoo soo arkay una riyaaqay Agabyadda kala duwan ee Maxaabiista ay soo saaraan. Madaxwaynaha soomaliya ayaa sheegay in Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed uu u yeelan doonno ilgaar ah, Maadaama isaga uu kusoo koray Xarunta Agoonta Wiilasha ee Lafoole oo ay maamulaan Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed.
far


FARFARFAR

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.