Dagaal Dib uga Qarxay Magaalada Marka ee Gobolka Shabeelaha Hoose

dagaal

Wararka ka imaanaya magaalada Marka ee Gobolka Shabeelaha hoose ayaa ku waramaya in dagaalkii duhurnimadii maanta ka qarxay Magaaladaas una dhaxeeyay labada Maeeshiyo beeleed uu ku faafay deegaano ka Tirsan Magaaladaas.

Dagaalka ayaa ku faafay deeganada Buulo Jaan, Buufow iyo ayuub oo ka Tirsan Magaalada Marka ee Gobolka Shabeelaha Hoose, waxayna labada dhinac ay isku adeegsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan, Dagaalkaasi ayaa la sheegay in uu maanta hakad geliyay isku socodkii Dadka iyo Gaadiidka Magalada Marka iyo weliba Ganacsiga iyo Waxbarashadii Magaaladaasi.

Maleeshiyaadka uu dagaalka u dhexeeyo ayaa sidoo kale la sheegay inuu soo kala gaaray gurmad, waxaana laga cabsi qabaa in Dagaalka uu gaaro ilaa caawa dagaalka ayaa waxaa ka dhashay khasaaro kala duwan oo soo kala gaaray labada dhinac inkastoo aan si rasmi ah loo ogeyn heerka uu gaarsiisan yahay Khasaaraha.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.