banaan bax Lagu Taageerayay Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Oo Muqdisho Ka Dhacay

bananbax

Dibadbax ballaaran oo ay ka qeybqaadanayaan dadweyne ka kala socda degmooyinka gobolka Banaadir ayaa saaka ka socda magaalada Muqdisho Banaanbaxan waxaa soo qaban qaabiyay maamulka gobolka Banaadir, iyadoo dadweynaha ka qeybqaadanaya ay wataan boorar ay ku qoranyihiin halku dhigyo muujinaya taageerada ay u hayaan R/wasaare Kheyre.

Waxaa hadal kooban oo goobta uu ka jeediyay Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale waxa uu sheegay in si weyn ay u taageersan yihiin islamarkaana ay la shaqeyndoonaan ra’isul wasaaraha cusub ee shaley uu soo magacaabay madaxweynaha soomaaliya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.