Shiiq Shariif oo Axmed Madoobe ku soo dhaweeyay Muqdisho

madobe

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland ee Somaliya Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta Safar shaqo ku yimid Magaalada Muqdisho ee Caasimada Somaliya, Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho ku soo dhaweeyay Masuuliyiin kala duwan oo ay ka mid yihiin xubnaha Baarlamaanka cusub ee Somaliya iyo Madaxweynihii hore ee dalka Mudane Shariif Sheekh Axmed.

Soo dhaweyn kadib Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa ka hadlay xaalada dalka gaar ahaan Isbadalka ku yimid Hogaanka Dowlada Federaalka ah oo uu sheegay in ay shacabku ka sugayaan wax qabad dhab ah si looga boxo dhibaatooyinka ay dadku la daala dhacayaan, Ujeedada Axmed Madoobe uu Magaalada Muqdisho u yimid ayaa lagu sheegay inay tahay ka qaybgalka caleemo saarka Madaxweynaha cusub ee Somaliya Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo.
madobe

madobe

madobe

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.