Madaxweyne Soomaliya oo caawa booqday dadkii ku dhaawacmay qaraxii maanta

far

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa caawa  booqdey dhaawacyada  ku waxyeelloobay qarixii  maanta ka dhacay Xaafadda Kaawo Godey  ee degmada Wadajir, isla markaana sheegay in dhaawacyada daran loo sameyn doono daryeel caafimaad oo dibedda ah.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya oo ay wehlinayeen taliyeyaasha NISA, Boliiska iyo Asluubta ayaa marka hore booqdey dhaawacyada dadka masaakiinta ah ee argagixisadu ku qarxiyeen  Xaafadda kaawo Godey ee degmada Wajir, madaxweynaha oo aad uga qiireysan dhibaatadaasi, ayaa  dhaawacyada qaar xog wareystay, isla markaana u ballan qaadey in si deg deg ah wax loogu qabanayo dadkaasi.

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa marka hore u tacsiyeeyey dadkii ku dhintay weerarkii argagixisada geysatay, waxa uu ALLE uga baryayey kuwa dhaawacyada ahna  in uu caafimaad siiyo, sidoo kale madaxweyne Farmaajo, ayaa sheegay in dhaawacyada halista ah loo fidin doono daryeel caafimaad oo dibedda ah, Madaxwaynaha soomaliya waxa uu ballan-qaadey  in dowladdiisa ay ku abaalmarin doonto qofkii soo sheega Gaari walxaha qarxa  lagu sameynayo 100,000 (Boqol Kun oo Dollar)

far far far
far

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.