Madaxweyne Soomaaliya oo La Kulmay Hay’adda Caddaaladda iyo Maaliyadda Soomaliya

far

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa kulamo la qaatay Wasaaradaha Caddaaladda iyo Maaliyadda, waxa uuna kala hadlay hufnaanta nidaamka Maaliyadda, la dagaallanka musuqmaasuqa iyo sharreynta sharciga dalka.

Kulanka Maaliyadda waxaa guddoominayey Madaxweynaha, waxaana fadhiyay Wasiirka Maaliyadda, Wasiiru Dowlaha, Wasiir Ku Xigeenka, Agaasimaha Guud ee Wasaaraadda, Guddoomiyaha Bankiga Dhexe iyo Xisaabiyaha Guud, waxaana warbixin looga dhageystay Wasiirka Wasaaradda Mudane Maxamed Aadan Ibraahim Farkeeti.

Madaxweyne Soomaliya ayaa sheegay in daah-furnaanta Maaliyadda iyo la dagaallanka musuqmaasuqa ay yihiin waxyaabaha ugu horreeya ee uu mudnaanta siinayo si shacabka Soomaaliyeed ay ugu kalsoonaadaan dowladda. Waxa uu faray hay’adaha maaliyadda in laga digtoonaado wax walba oo keeni kara in lagu kaco lunsiga hantida dadweynaha.

Dhinaca kale Madaxweyne Soomaliya ayaa la kulmay Wasiirka Cadaaladda, Wasiiru Dowlaha, Wasiir ku Xigeenka Xeerl Ilaaliyaha Guud, Taliyaha Asluubta iyo saraakiisha Wasaaraddaasi, waxaana kulankaasi looga hadlay dib u habeynta laamaha garsoorka dalka, Madaxweyne Soomaliya ayaa sheegay in la dardargelin doono magacaabista Golaha Adeegga Garsoorka oo ay xukuumaddii hore bilowday balse wali aan la dhameystirin. Golaha Adeegga Garsoorka ayaa ah hay’addii anshax marin lahayd Garsoorayaasha, sidaas darteedna loo baahanyahay in si degdeg ah hawshaasi loo fuliyo.

Ugu dambeyntii, Madaxweynaha Jamahuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa sheegay in musuq maasuqa iyo caddaalad darrada meel looga soo wada jeesto maadaama ay saldhig u yihiin dowlad xumada iyo amni darrada dalka ka jirta.
far

far

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.