Dhagesya:Hanti Dhowrka guud ee Qaranka oo waxba kama jiraan ku tilmaamay go’aankii Golaha Wasiirada hore.

hanti

Hanti Dhowrka guud ee Qaranka Dr Nuur Faarax Jimcaale oo waxba kama jiraan ku tilmaamay go’aankii Golaha Wasiirada hore ee ahaa in ay soo diyaariyaan Miisaaniyadda dowladda ee sannadkan si looga feejignaado in hawlaha dawladda ay istaageen maadaama miisaaniyadda hadda jirtaa ay ku egtahay bisha March.

Miisaaniyadda ayaa waxyaabaha lagu soo kordhiyay waxaa kamid ahaa kharashka Aqalka sare. Golaha Wasiirada ayaa cod aqlabiyad leh ku ansixiyay Miisaanyidda Qaranka oo la horgayn doono Golaha Shacabka Soomaaliyeed.

Wasiirka Maaliyadda ayaa golaha warbixin ka siiyaay xisaab-xirkii Miisaniyaddii 2015, sidoo kalena Golahu wuxu ansixiyay Xisaab-Xirka iyaga oo u gudbiyay Golaha Shacabka.

Ugu dambeyn, Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka ayaa guddi ka kooban Wasaaradaha Dekadaha, Shaqada iyo Shaqaalaha, iyo Maaliyadda u saaray in ay xaliyaan cabashada ka timid qaar kamid ah shaqaale ka shaqeeyn jiray Dekadda Muqdisho oo maanta baanaanbax sameeyay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.