Daawo: Puntland oo dil ku xukuntay Dhalinyaro La Sheegay Inay Ka Tirsanayeed Alshabab

puntland

Maxkamada ciidamada qalabka sida ee dowladda Puntland fadhigeeda Bosaso ayaa maanta xukun dil ah ku riday 7 dhalinyaro oo ay sheegtay inay ahaayeen dadkii ka dambeeyay dilalkii Bosaso loogu geystay, agaasimihii madaxtooyada Bosaso, taliye ku xigeenkii labaad ee ciidanka booliska iyo xeer ilaaliyiihii maxkamada ciidamada.

Maxkamadu waxay sheegtay inay raggaan qirteen inay katirsan yihiin Alshabab ayna ka dambeeyeen dilalka lagusoo eedeeyay, walow qareenada udoodaya raggaan ay kasoo horjeesteen go’aanka maxkamadu riday.
Guddoomiyaha maxkamada Cabdifataax Xaaji Aadan ayaa sheegay inuu xukunkaan ka furan yahay racfaan bil ah,

Dhalinyarada iyo Xukunkooda ayaa U dhacay Sidan :
1. Nuuradiin Axmed samatar Deerow (dadiisu 20 sano jir)
2. Ayuub yaasin cabdi ( dadiisu 32 sano jir )
3. Cali Ismaaciil cali (Cali gaab) (20 sano jir )
4. Xasan Aadan Xasan Maxamed (dadiisu 22 sano jir )
5. Cabdixakiin Maxamed Aways (dadiisu 24 sano jir )
6. Maxamed Yaasin Cabdi Maxamud (dadiisu 17 sano jir )
7. Daa uud siciid sahal (dadiisu 18 sano jir )

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.