Madaxweyne Soomaliya oo maanta la kulmay ganacsato Soomaaliyeed

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed C/laahi “Farmaajo” ayaa maanta kulan la qaatay ganacsato mas’uuliyiin ka socotay rugta ganacsiga iyo warshadaha.

Kulanka dhexmaray ganacsatada iyo Madaxweynaha J. F. Soomaaliya oo ahaa mid ay albaabada u xiran yihiin ayaa markii uu soo gabagaboobay waxaa saxaafadda u sharraxay qodobbadii looga hadlay kulankaasi Agaasimaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed Cabdi Abshir Dhoorre labada qodob ee laga hadlayey ayaa ahaa.

Soomaaliya waxaa ka jira Abaaro sameeyey dadka iyo duunyada, sidaa daraaddeed iney Ummadda Soomaaliyeed kuwooda wax haysta oo ay ganacsatada hoggaamineyso iyo Qurba joogta u gargaaraan dadka Soomaaliyeed oo ay Abaaruhu waxyeeleeyeen tan iyo inta ay dowladda ka cago dhiganeyso, Guddoomiyaha Rugta ganacsiga Soomaaliyeed Gabeyre isagana waa uu aqbalay.

in ay dowladda ka gaacansiin doonto ganacsatada dhammeystirka shuruucda qabyada ka ah ganacsatada taasoo laga talo gelin doono ganacsatada Soomaaliyeed iyo maalgashiga dalkooda” ayuu yiri Agaasimaha Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.