Masuuliyaddaro iyo rajoxumo labada gole laga dheehday saddexdii maalmood ee dooda musharaxiinta madaxweynaha ay socotay(aqalka sare iyo golaha shacbiga).

jim

Waxaa in dhaha shacbiga Soomaaliyeed arkayeen in ayyan u ekeen xildhibaanada qaarkood kuwa xambaarsan masuuuliyada qaranka iyo shacbiga,waxay iloowsanayeen in ay hor fadhiyaan shaashad ummadda Soomaalidu wada daawaneyso islamarkaasna caalamka oo dhan indhaha ku hayo waxa manta ka socda dalkayaga,nala kuna qaymaynaayo,xildhibaanada cusub ee la soo doortay in ay keeni doonaan isbedel ka duwan kuwii ka horeyey ee kii siddeedaad iyo kii sagaalaad,oo lagu bartay,dhaqanxumo,sida mooshin lacag ku raadin,anshaxxumo,ismaqal la,aan,nin jecleysi,iyo hagardaamada qaranka oo danda guud ay ka hormariyaan tooda gaarka ah,waxaan qof ahaan isleeyahay dhaliilaha ii muuqday oo dadku ila daawanaayey,ma ahaan doonaan kuwa dhaama kuwii aan ka dayrsaneynay ee sideedii sano ee ina soo dhaafay,sababahaan awgoog tii Alle waa halkeedee;-

1-Anshaxxumo gaartay in ayyan gudoonkooda xurmeyneyn oo aan la aamusin Karin.

2-Ka maqnaansho qaarkood iska maqnaa mar kay rabaan oo ayyan ku jirin kala doorasho uu dhegeysto musharaxiinta xildoonka ah ,waana arinta ugu weyn oo shacbiga iyo beesha caalamkun indhaha ku hayeen.

3-Xildhibaan u soo fariistay in uu qaymeeyo shaqsiga hadlaaya oo ku doorto hadalkiisa ama ku diido oo taleefan ku cayaaraya kana warqabin waxa meesha ka socda oo aan is weydiiyey bal muxuu u soo fariistay oo shaashada iskugu dhigay,mase og yahay in ay ceeb iyo foolxumo ku tahay?Sow ma oga in meesha uu u soo fariistay mustaqbalka qaranka iyo shacbiga?Ma wowsan ka warqabin in shacbigii soon doortay oo uu masalaayey daawanayaan marka ayada oo qudbado socdaan uu taleefanka kun mashquulay ama ka maqan yahay?Ogaada waa labada aan tilmaamaye in aad muujiseen niyadjab ku dhacay kuwii idin soo doortay ee ah shacbiga Soomaaliyeed ee aad masaleysaan manta.Isku soo wada duub maalmo kooban baa ka haray

Doorashada madaxweynaha hoggaamin doona Soomaaliyada fadhiidka ah oo dhan kasta ka curyaansan,ma sida ii muuqata ee aan cabiray in aad tihiin kuwo lagu hungoobay baad ku sifoobi doontaan,mise halka shacbigu idin ka filaayo baad arinta dhigi doontaan oo waxaad keeni doontaan madaxweyne ummada iyo qaranka samatabiya? Iga laali ahaada kuwa masuuliyadu ka muuqatay ee umuuqday xilkas u soo diyaargaroobay hawsha loo idmaday dhaliishu idinka idin ku ma socotee.
W.Q.Jimcaale.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.