Maxaad kala socotaa cidda uu yahay cadowga koowaad ee wariyaasha madaxa banaan ee jubaland

Madaxda ururka saxafiyiinta madaxa banaan ee jubaland ee ( jija ) ayaa in muddo ah wadey sidii wariyaasha madaxa banaan ee jubaland loo kaabi lahaa aqoontooda saxafinimo

Taas oo keentey in ay xiriiro la sameeyaan hay’adaha caalamiga ah ee u taagan hormarinta dhinaca warbaahinta iyo wariyaasha

Waxana ay masuuliyiintu ku guuleysteen in wariyaashu helaan ilaa dhowr tababar oo heer caalami ah laguna qabtey magaalada kismaayo ee xarunta gobolka jubada hoose

Balse hormarkasta oo ay isku dayaan madaxda ururka saxafiyiinta jija ee jubaland ayaa waxaa carqalad ku ahaa wasaaradda Warfaafinta jubaland ee uu Wasiirka ka yahay c/nuur cali aadan oo ah Wasiir aanan qorin aanan aqrin waxana aanan ka aqoonin Wariye iyo warbaahin intaba
Balse ah Wasiir uu ku adeegto Agaasimaha TV-ga jubaland c/naasir sh bashiir Saxansaxo oo uu isagu si sharci dara ah ugu magacaabey in uu agaasime ku meel-gaar ah iga noqdo wasaaradda uu Wasiirka ka yahay ee Warfaafinta maadaama uusan wax qorin waxna aqrin taas ayaana keentey in uu noqdo Wasiir uu ku adeegto gacan yare uu sameystey
Waana tan keentey in uu ka gudbo heerkii masuuliyadeed una gudbo ilaa xadka uu ka noqdo cadowga koowaad ee wariyaasha madaxa banaan ee jubaland

Kaas oo caadeystey xarigga jirdilka shaqo ka careyrinta iyo sidoo kale handadaad uu u geysto wariyaasha jubaland

Dhacdadii ugu dambeystey ayaa ahayd middi 05/02/2017 oo maalintii shaley ahayd ku beegneyd ay si wada jir ah u geysteen Wasiir cabdi nuur cali aadan iyo agaasimihiisa gacan ku sameyska ah ee Saxansaxo in ay musuq maasuqeen tababar loogu tala galey wariyaasha madaxa banaan ee jubaland ayna in muddo ah baadi goob ugu jireen masuuliyiinta ururka jija ee ay ku mideysan yihiin wariyaasha madaxa banaan ee jubaland kaas oo ay qaban lahayd hay’adda vikes ee hormarinta warbaahinta lagana leeyahay dalka Finland taas oo ay gacanta ku dhigeen iyagoo adeegsanaayo awoodda wasaaradda ee uu siiyey madaxweynaha jubaland axmed maxamed islaam axmed madoobe oo aan isaga qudhiisa kontoroolin awoodda uu siiyey Wasiir aanan qorin aanan akhrin

Wasiirka ayaa shaley si bareer ah oogu gacan qaadey gudoomiye kuxigeenka ururka saxafiyiinta madaxa banaan ee jija maxamed qaasim cali Waxar ka dib markii uu isku dayey in uu ka hadlo tacadiyada iyo gabood fallada ay geysanayaan Wasiirka iyo gacan yarihiisa Saxansaxo ee ay u geysanayaan wariyaasha madaxa banaan ee jubaland

Waxana goobta ay dhacdadaan ka dhacdey goobjoog ka ahaa masuuliyiinta ka socotey hay’adda vikes oo ay ka mid ahaayeen weli Xaashi iyo mr peik sidoo kale waxaa madasha ku sugnaa Xoghayaha ururka saxafiyiinta qaranka soomaaliyeed ee nosuj maxamed Ibraahin Macalimow oo isaga qudhiisa lagu qaldey kasoo qeybgalka siminaarkaan laga dhacey wariyaasha madaxa banaan islamarkaasina lagu qariyey magaca masuuliyadda iyo meeqaamkii ay lahaayeen wariyaashii usoo halgamey jubaland ee aduunka barey

Wasiirka ayaa gudoomiye kuxigeenka ku dalbadey Ciidan si ay goobta tababarka iga saaran isaga iyo wariyaasha madaxa banaan
Wasiirka ayaa horey u sheegey in uusan aqoon saneyn wax wariyaal madax banaan iyo urur midkoona isagoo af lagaado xoogan u geytey maamulka iyo wariyaasha madaxa banaan horaantii 2016-ka xili ay wareysanayeen qaar ka mid idaacadaha ku yaalo magaalada Muqdisho

received_1730254343954166received_1730254167287517received_1730254333954167received_1730254103954190
received_1730254187287515

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.