Duulimaadyada Diyaaradaha Muqdisho Imaanayo 8-da Bisha oo doorashada dhacayso ayaa lajoojiyey

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Dowladda Soomaaliya Cali Axmed Jaamac Jangali ayaa sheegay in Dowladda Federaalka ay Joojisay dhamaan Duulimaadyada Magaalada Muqdisho 8-da Bisha oo ah Arbacada soo socota islamarkaana ay dhaceyso Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya.

Wasiirka ayaa Xusay in iyadoo la fulinayo Amar kasoo baxay Xafiiska Guddoomiyaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari la joojiyay dhaqdhaqaaqii garoonka Aadan Cadde si lamid ah sida loo hakiyay isusocodkii gaadiidka magaalada Muqdisho dhexdeeda ahaa Talaabadani saameyn ku yeelan doonin garoomada kale ee dalka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.