DALKA IYO DAKA SOOMAALIYA WAA QASBANYIHIIN EE SIDEE LOOGA BIXI KARAA? W/Q JIMCAALE

jim

DALKA IYO DAKA SOOMAALIYA WAA QASBANYIHIIN EE SIDEE LOOGA BIXI KARAA?

Waxaan ahay shaqsi qaba in markii horeba nala ku qasbay in aan qarankayagii sharafta badnaa burburino,taas oo ka duwan sida dadka weli cadawgii arintaas ka denbeeyey maskaxdooda ku shaqeeyaa ay meelo badan ka sheegaan ayyaga oo ra,iyucaamka qaldaya fulinaayana ujeedada cadawga dalka si aan loo soo kaban, waxay eedeeyaan askartii Kacaanka dhalisay oo aanan garankarin wax dhibaato ah oo ay geysteen horumar maahane,marka laga reebo in ay ku xadgudbeen anshaxa ciidannimo oo aan loogu talagelin in ay dowladooda cinqilaabaan,bal aan eegno arimahaan[-

1-Waxaa nala ku qasbay in aan burburino dawladayadii xoogga badnayd.

2-waxaa noo dhisay federal qasab ah o aan ujeedadiisa garan karno.

3-Waxaa naloo sameeyey maamulo qasab ah oo aan rabitaanka shacbiga ku imaan.

4-Waxaa laga abuuray baarlamaano qasab ah oo dano laga lahaa.

5-Waxay dhaleen madaxweynayaal qasab ah oo lagu sanduleeyey.

6-Waxay soo saareen Xildhibaano federal oo qasab ah kuna yimid si dadban.

7-Waxaan sugeynaa madaxweyne qasab ah oo ay keensadaan kuwa danaha naga leh oo awalba burburkayagii horseedka ka ahaa,kana shaqeeya danahooda oo kaliya,haddii aan Alle xaggiisa naga badbaadin .

Isku soo wada duud dal iyo dawlad waxaa difaacada dadka iskaleh oo shacbiga ah ,dad badan baa ka hadlay arintaas , in magaca Soomaalidu hadaan ka sii laalaado,waxaana dhuminaaya daneyste shisheeye u adeega,shacbigana waxaa lugu kala diley arimaha aan kor ku xusay oo qabyaaladeysan,mana hirgaleen waxyaalaha nala ku qasbay ama nala ku qasbidoono oo looga golleeyahay in dhulka lagu qaato,sidaas awgeed shacbiga Soomaaliyeed waxaa la gudboon gadood iyo gilgilasho ay diidaan waxa lala damacsan yahay ee sanduleynta ah. Gole shacbi iyo madaxweyne aan dad la xisaabtama ka baqayn waxba u qaban maayaan,waana ku daneysanayaan,hadeysan banaanka la soo istaagin rabitaan kooda oo madaxda sanduleyn,yaa u diiday dadka in ay diidaan oo u sheegaaan golaha shacabka in ay ku qasbaan oo ku banaanbaxaan rabitaankooda ninka aan shisheeye wadan ee daacada u ah in ay taageeraan oo codkooda muujuiyaan?
W.Q/Cabdullaahi Jimcaale Faarax.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.