XOG: Tarzan oo kashifay sir badan oo ku saabsan doorashada

tarzan

Sida uu qorshuhu ahaa Maanta ayaa lagu waday in magaalada Muqdisho  lagu qabto dood wadaag ay ka qeyb galayaan Musharaxiinta u taagan qabashada xilka Madaxtinimada Soomaaliya.

Musharaxiinta u taagan xilka Madaxtinimada Soomaaliya ayaa waxaa ay ka kooban yihiin 24 musharax , waxaana lagu waday in 12 ka mid ah ay maanta gelinka hore ay doodaan.

12 Musharax ayaa maanta diiday in ay ka qeyb galaan dood wadaag ka dib markii ay sheegeen in xubno ka tirsan dowladda ay doonayaan in dooda ay noqoto mid qarsoodi ah oo warbaahinta madax banaan aysan ka qeyb galin.

Maxamuud Axmed Nuur tarsan oo ka mid ah Musharaxiintaa maanta dooda diiday ayaa sheegay in warbaahinta madaxa banaan loo diiday dooda , islamarkaana Mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya ay dooda Afduubteen, Wuxuuna si kulul weerar ugu qaaday Xasan sheekh iyo Wasiirka Warfaafinta Maareeye.

Hadda Muqdisho waxaa ka soconaya shir ay leeyihiin musharrixiinta oo ay ku diidan yihiin guddiga doorashada.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.