Xog:Maxaad Kala Socotaa Xariga Xildhibaan Shuceyb!

Xalay ayay ahyd markii werar ay Ciidamada Jubland ku Qadeen Guriga uu magaalada Kismaayo Ka deganaa Xildhibaan Shuceyb ibraahim Faarah oo hada ku jiro Gacanta Ciidamada Raaskan booni ee ku sugan Magaalada Kismaayo
Xildhibaan Ayaa La sheegay markii Xalay Gurigiisa ay ku Werareen Maleshiyaadka Raaskanboon in la sheegay in loo Gestay Jirdil Xogan oo Ka muuqanayo Jirkiisa .
Warar ayaa Sheegay in Xildhibaanka lagu Xiray kiis ah in uu la socday Gabar ka mid gabadhaha Magaalaada Kismaayo oo uu Qabay Mid Ka mid ah Maleshiyaadka Raaskanbooni Laakin Warkaasi Ayaa Noqday mid been Abuur ah oo Ay Faafiyeen Maleshiyaadka Raaskanbooni.
Warka Xaqiiqda ayaa ah oo aan Helnay in Habeen Ka hor uu Guriga Gabadha Ku weraray Askariga xiray Xildhibaanka Gabadha iyo Xildhibaan Shuceyb oo Wada joogo oo uu ka dhexeeyo Hasaawe ka dibna uu labadooda Handadaad uu ku suubiyay,
Ka dib ayay Gabadha waxa ay wacday Askari ka tirsana Cidamada Boliska oo Besha Sade ka soo jeedo Aydoo ku War galisya in hadii la dilo uu dilay askariga gurigeeda imaaday ee ka tirsan Maleshiyaadka Raaskanboniyiinta .
Ka dib ayuu Askarigii uu Wacay Askarigii Gabadha ay Ka Dacwooneysay isagoo u sheegay in gabadhaas uu Faraha Ka qaado oo ay oga soo dacwootay.
Ka dib Ayaa Axmed Madoobe Waxaa lagu War Galiyay in si sharci Daro ah uu ku heysto Xildhibaan Shuceyb Gabar uu Qabo Askari Ka tirsan Maleshiyaadka Raaskanbooniyiinta oo Difaaca Ciidanka jiro Ka dibna uu Axmed Madoobe Amray in La soo Xiro Xildhibaabka .
Laakin Warkaasi Ayaa Noqday mid ay Dhoob dhooben Maleshiyaadka Raaskanboniyinta si ay qiil ugu sameyaan Xariga Xildhibaan Shuceyb
Gabadha uu askariga Ka been abuurtay Ayaa u dhalatay Beesha Sade Halka Xildhibaan Shuceybna uu Ka mid yahay Xildhibaanada Beesha Sade.
Kiis Xildhibaan Shuceyb ee been abuurka Laga Sameyay Ayaa Markii La horgeyya Axmed Madoobe Wax uu Amray in uu Xabsiga uu ku sii jiro ilaa uu Ka soo Laabanayo safar uu ku aaday Magaalada Nayroobi oo uu ku Maqnaan Doono Labo Maalin oo soo socoto.
Xabsiga uu ku jiroXildhibaanShuceyb Waxaa Maanta ku Booqday Gudoomiye ku xigeenka Kobaad ee Barlamaanka Cabdi Baaley iyo Ku xigenkiisa Labaad inkasto loo Diday in aan Xabsiga Laga siideyn Karin Xidhibaanka oo uu ku Xiran Yahay Amar Madaxweyne.
Gabadha ayaa Saaka iyana Xabsi loo soo taxaabay Waxaana hada ay ku xiran tahay Xabsiga Nabad sugida ay leedahay.
Ka dib Markii ay Maleshiyaadka ku Amreen inay Been Abuur Ka Sameyso in La qabay oo uu Qabay Askari Ka tirsan Maleshiyaadka Raaskaboniyiinta Laakin Ay diiday oo Sheegtay in Shareecada Islaamka aysan Qabin in ninaan qabin ay ka dhigan karto seygeeda .
Wax Yar aan dib ugu Laabano Waa Maxay Xidhibaan?
Xildhibaan Waa Sharci Daji Waa Shaqsi ugu Awooda Badan Dowlada dhisan, aaska Dowladanimada waa Qofka ugu Horeyo ee Lagu bilaabayo .
Dastuurka Dalka u Yaalo iyo kan Maamulka Axmed Madoobe u yaalo wax uu dhigayaa in xildhibaan aan gurigiisa la baari Karin Danbiyad lagu soo edeyana isgo bananka joogo uu ku danbi bixi karo ,
Jubland ma Dowlad baa mise waa Astaan Qabiil oo dowlad lo ekeysiyay!
Waxaa Cadaatay in wali kismaayo uusan heshiis ka dhicin maamulkana uusan u sineyn dadka degan Degaanada jubland laakin wali Awodii Dowladnimo ay gacanta ugu jirto Qabiilka Axmed Madoobe ,
La Soco Wixii Warar ah ee ku soo kordho Xariga Xildhibaan Shuceyb .

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.