XOG: Olale Lagu Ridaayo Maamulka Jubbaland , oo ay Wadaan Siyaasiyiin caan ah oo ka socota Nairobi.~Akhriso~

Waxaa Meel Xaasaasi ah Maraya Qorshe Shakhsiyaad doonaya in ay Siyaasadda Jubbaland Qas horleh ka dhex abuuraan ay kawadaan Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya, Kuwaas oo hadafkooda ugu weyni uu yahay Sidii ay xilka uga tuuri lahaayeen Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed ISlaam Madoobe.

Shakhsiyaad dano siyaasadeed oo kala duwan ay mideeyeen kuna midoobay Kutlad Mucaaradad oo ay kaga takhulasayaan Madaxweyne Axmed Madoobe, ayaa Bilihi dambe ka abuurantay Magaalada Nairobi waxaana Hadafkooda ugu weyni uu yahay sideey Xilka Mar un Axmed Madoobe uga xayuubin lahaayeen.

Hadaba yaa kamid ah Shakhsiyaadkaasi??.

Gedo Times ood uga barateen Dhuuxitaanka iyo dabagalka Wararka la xiriira Deegaanada Jubbaland ayaa heshay Magacyada Shakhsiyadkaas ugu cadcad, kuwaas oo ku mideysan sidey u ridi lahaayeen Madaxweyne Axmed Madoobe.

1, Macalin Maxamed Ibrahim oo hadda ah Wasiirka Waxbarashada ee Jubbaland ayaa hormuud u ah Kutladani, kaasi oo qorshihiisa ugu weyni uu yahay in uu xilka kala wareego Axmed Madoobe.

2, Cabdirashiid Jirre Qalinle oo ah Wasiirka Maaliyadda ee Jubbaland ayaa dhiniciisa digsiga Dabka saran wax ka karkarinaya, wuxuuna baratarayaa oo xilka Madaxweyne uu  la rabaa Macalin Maxamed oo ay isku jifo hoose Yihiin.

3, Geelle Maxamuud Aadan Waa Wasiirka Beeraha ee Jubbaland, wuxuu kamid yahay Kutladda ku bahoobay Riditaanka Madaxweyne Axmed Madoobe, waxayna saxiibo dhawyihiin Wasiirka Maaliyadda ee Jubbaland Mudane Qalinle kaasi oo ay suuragal tahay inuu ku qanciyay kamid noqoshada Kutladani.

4, Aadan Ibrahim Aw-xirsi Wasiirka Cadaaladda, Awqaafta, Arimaha Diinta iyo Dastuurka ee Jubbaland, wuxuu isagune qeyb kayahay Mooshinkan laga diyaarinaayo Madaxweyne Axmed Madoobe ee Xilka lagaga Xayuubin rabo, Ku biiritanka Wasiir Aw-xirsi ee Kutladane waxay timid kadib markuu Axmed Madoobe uga abxay Balan qaad uu horay ugu sameeyey oo ahaa inuu u magacabi doono Xilka Madaxweyne Kuxigenka Koowaad ee Jubbaland.

5, Siyaasiga Cabdi Cali Raage, oo ahaa Gacanta Midig ee Axmed Madoobe, soo qabtay Xilal kala duwan oo ay ugu dambeysay Gudoomiyenimadii Gudigga Doorashooyinka heer Dowlad Goboleed ee Jubbaland ayaa qeyb ka ah dadka wada Mashruucan Xilka Looga xayuubin rabo Axmed Madoobe, wuxuuna dagaalkiisa bilowday kadib markuu Axmed Madoobe sicad uga horyimid, Xilkii Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ee uu doonayay inuu noqdo Cabdirashiid Maxamed Xidig, Qorshahaas oo uu  Axmed Madoobe Meel Cad ka istagay.

6, Cabdulaahi Cilmooge Xirsi, Wasiirkii hore ee Warfaafinta ee Soomaaliya oo ay qaraabo dhawyihiin Axmed Madoobe ayaa kamid ah dadka doonaya in xilka laga qaado, Waxaana Cilmoog garab kamid ah Garabyada uu ka haystaa Balan qaad ah in asaga uu noqon doono cida badasha Axmed madoobe kadib marka la tuuro, Cilmooge hadda Waa Musharax Madaxweyne ee Soomaaliya.

7, Maxamud Sayid Aadan Madaxweyne Kuxigeenka Koowaad ee Jubbaland ayaa kamid ah dadka Mooshinkan Dabadaa ka riixaya, Wuxuu Maxamuud Sayid haystaa Balan qaad ah in uu noqon doono Madaxweyne Kuxigeen una noqon Doono macalin Maxamed Marka uu Madaxweynaha Jubbaland Noqdo waaba Hadii lagu guuleysto in Axmed Madobe la tuuree, Shir Nairobi ka dhacay oo dhinacyada Mucaaradka ay yeesheen ayuu kasoo dhex muuqday, inkastoo Gadaal uu ka sheegay inuu ka xunyahay ka qeybgalka kulankaas qaab mishin ahne loogu yeeray.

8, Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xidig ayaa kamid ah dadka barataaraya Shakhsiyaadka mooshinka sida xoogga leh u riixaya, kaasi oo dhinciisa u arka in Guuldaradii soo wajahday ee la xiriirta inuu qabto Hogaanka Baarlamaanka, Jabka ugu weyna  uu u geystay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, arintaas oo uu u arko qaabka uu kaga falcelin karo ineey tahay inuu taageero sidii loo ridi lahaa Madaxweyne Axmed Madoobe.

Qilin qudha lagu soo koobi karo Shakshiyaadka Diidan kana hor imaadsan Hogaanka Madaxweyne Axmed Madoobe, oo malaha hadda sidii hore dhaama, wallow ay wali wax badan harsanyihin, hadane Shacabka ree Jubbaland ayaa badankood qaba in Waqti Xaadirkan aysan ku habooneyn in lakal dhantaalo Maamulka Jubbaland, Fowdo iyo fadqalalo horlehne laga dhex abuuro Shacabka iyo Maamulkooda.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa dhinciisa aan kasoo xiganay ilo wareedyo ka ag dhaw inuu u tooghayo qorshayaashan maamulkiisa lagu dhabar jabinaayo ee kasocda Nairobi isagoo Durba u diyaar garoobay ka falcelinta Qorshaha lagu soo dhoodhoobay Nairobi.

Bilowga Bisha soo socota ayaa lagu wadaa in Iskushandheyn uu ku sameeyo Golihiisa Wasiirada Madaxweynaha Jubbaland, waxaana qorshuhu yahay in ay seeftiisa la tagto cidkastaa oo uu aminsanyahay ineey qeyb katahay olalahani isaga looga soo horjeedo.

Maalmaha soo aadan ayaan idiin soo gudbin donaa warbxiino la xiriira hadba sida uu xaalku noqdo, inagoo markastaa idiin soo gudbin doona Xogaha la xiriria halka ay mareyso Siyaasada Garabyada kala duwan noqotay ee Jubbaland.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.