Musharax madaxweyne Sheikh Shariif Sheikh ayaa booqday xaalada dadkii ku dhaawacmay qaraxa hoteelka Dayax

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa Maanta Booqday Dadkii ku dhaawacmay Qaraxyadii Shalay ka dhacay Magaalada Muqdisho oo intooda badan la dhigay Isbitaalka Madiina ee Muqdisho.

Agaasimaha Isbitaalka Madiina Maxamed Yuusuf oo la hadlay Saxafadda ayaa sheegay in Booqashada Madaxweyne Sheekh Shariif ay dhiiro galineyso Dadka qaba dhaawacyada ee Isbitaalka la geeyay, waxaa kaloo Shiiq shariif booqday Hoteelkii qaraxa shalay lala beegsadey ee Dayax halkaas oo uu kusoo arkay qasaarihii uu gestey qaraxaas.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.