Daawo:Khudbadaha Musharixiinta u Taagan Guddoonka Aqalka Sare

aqalka

Xarunta Xubnaha aqalka Sare ee dalka oo ku taala Degmada Shibis ee Gobolka Banaadir waxaa Goordhow ka bilowday dhageysiga Khudbadaha Musharixiinta u taagan Xilka Gudoomiyaha aqalka Sare iyo ku-xigeenadiisa.

33-xubnood oo ka Tirsan Xubnaha aqalka Sare ee dalka ayaa kulanka ku sugan, waxaa sidoo kale la filayaa in isla goobta in lagu dhaariyo 3-xubin oo dhawaan lagu doortay Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaliya

Ku dhawaad 16 Musharax oo ka tirsan Xubnaha aqalka Sare ayaa lagu wadaa in ay jeediyaan Khudbadahooda Musharaxnimo ee Tartanka Guddoonka Aqalka Sare ee dalka, waxaa ku jira xubnaha dad siyaasadda aad loogu yaqaano.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.