Taliyihii Booliska Gobalka Shabeellaha Dhexe oo ku dhintay Qarax ka dhacay Jowhar

deg

Wararka naga soo gaaraya magaalada Jowhar ayaa sheegaya in Bam Gacmeed lagu tuuray Xarunta Taliska Booliska ee Magaaladaasi uu ku geeriyooday Taliyihii Booliska ee Gobalka Shabeellaha Dhexe, Khaliif Cabdulle Carfaaye ayaa u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray Qaraxa ka dib markii la dhigay isbitalka Magaaladaasi Jowhar sidoo kale waxaa ku dhaawacmay labo askari .

Waxaa hadda socda howlgalo ay wadaan ciidamada Ammaanka oo ay ku doonayaan inay ku soo qabtaan kooxaha ka danbeeyay Qaraxa lagu tuuray Xarunta Taliska Booliska, ilaa iyo iminkana ma jiraan wax faah faahin ah oo ay bixiyeen saraakiisha ciidan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.