Guddoomiayaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta kulan la yeeshay safiirka midowga Yurub ee Soomaaliya

Guddoomiyaha golaha shacabka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa ugu horayn xafiiskiisa ku qaabilay safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Veronique Lorenzo, kaasi oo ay ka wada hadleen adkaynta xariirka iyo iskaashiga ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Midowga yurub, dhamaystirka xubnaha Barlamaanka iyo sidii kaalin muuqata ay kaga qadan lahaa Midowga Yurub gurmadka abaaraha ee lagu samata bixinayo dadka Soomaaliyeed, danjira Midowga Yurub ayaa guddoomiyaha golaha shacabka ugu hambalyeeysay hanankii wanagsanaa ee ay u dhacday doorashada Guddoonka Barlamaanka, iyadoo xustay in kalsooni wayn ay ku qabto in si wanaagsan barlamanaku uu u maarayn doono doorashadda Madaxweynaha dalka , inta ka horaysana la soo dhamaystiro xubnaha ka harsan Baarlamaanka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.