Daawo:Safiirka Soomaaliya u qaabilsan Jermalka ayaa tagtay magaalada Kismaayo

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland ee Soomaaliya Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Safiirka Dowlada Jarmalka ee Soomaaliya Jutta Frasch iyo ku xigeenka Safiirka iyo Madaxa Arimaha Bini’aadanimada ee Safaarada u qaabilsan Soomaaliya.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa sheegay in baahiyaha ugu badan ee deeganka ka jira oo ah dadka kasoo laabanaya Dhadhaab iyo dadka gudaha ku barakacay ay ka codsanayaan Beesha Caalamku in ay wax muuqda kala qabato.

Madaxweynaha iyo waftigaan ayaa waxaa ay ka wada hadleen Arimaha Qoxootiga iyo Barakacayaasha iyadoo Safaarada Jarmalku ay sheegtay in Jubbaland ay ay kala shaqaynayso arimaha gargaarka dadka tabaalaysan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.