Golaha Wasiirada Jubbaland iyo Axmed madoobe oo caro kamuuqato ayaa ka shiray Arrimaha Maaliyada

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam oo aad caraysan ayaa Maanta oo Khamiis ah Shir Gudoomiyay kulanka Todobadlaha ah ee Golaha Xukuumada Jubbaland, Ajandaha Shirka Maanta ayaa waxaa ugu weyna Warbxin laga sugayay Wasaarada Maaliyada oo la xiriirta Hananka Maaliyada iyo dakhliga Sanadka 2017 ee Xukuumada oo inta badan la dhunsadey.

Cabdirashiid Jire qalinle Wasiirka Maaliyada ayaa sheegay in dakhliga Sanadkan ee Dowlada uu kordhay marka loo eego Sanadkii hore ee 2016, Golaha ayaa Maanta laga dhex Akhriyay Wareegto lagaga dalbanayo Wasiiradu in ay ilaaliyaan xiliyada shaqada iyo kutakrifalka hantida maamulka isla markana ay shaqeeyaan wakhtiyo dheerad ah marka baahiyaha gaarka ah iyo hawlaha deg dega ah ay jiraan.

Waxaa kaloo looga hadlay Mooshinkii Barlamanka JUbbaland oo hada fasax galay ay rabaan inay ka keenaan Madaxwaynaha Jubbaland oo lagu eedeeyey inuu ku guuldareystey Hogaanka Juubaland iskuna koobay awoodii maamulka.madobe

madoobe

madooobe

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.