Badbaadinta Qaranka Somaaliya oo Xaaladiisa wax laga Bedelo iyo qabyaaladu meel ma wada geli karaan? W/Q Jimcaale

jim

Waa su,aal da,weyn oo madaxa daalineysa,waa su,aal mudan in leysweydiiyo waxa waqtigaan ku soo beegay maaddaama ay socoto ololaha musharaxinta madaxweynaha Soomaaliya oo la filaayo in ay dhawaan dhacdo dorashadeedu,taas oo inta hamigu ka hayo jigadaas nin walaaba soo bandhigayo afkaartiisa iyo balanqaadkiisa uu bulshada u samaynaayo,sidaas darteed waxaan amaanayaa isbahaysiga isbedel doonka ah sida ay u soo bandhigayaan ololahooda musharaxnimadooda, ayyaga oo si daahfurnaansho ah labada aqal ee dalka ugu soo bandhigaaya barnaamijyadooda taageerana weydiisanaaya.

Aan u daadago dulucda su,aasha sare 15/01/17/ waxaa indhahayga ku dhacay qoraal ay baahiyeen qaar ka mid ah baraha wararka lagu faafiyo,oo lagu muujiyey mid ka mid ah isbahaysiga musharaxiinta isbedelddonka ee jigada madaxweynaha oo xildhimaanada beeshiisa kulan la qaadanaya,kuna guubaabinaaya inta aad raadineysaan isbedel jagada madaxweynaha gacanta beesha ha ka saarinina,markaas baa waxaa I hor yimid humaaga su.aasha aan qormadaan cinwaanka uga dhigay waxaana is weydiiyey su,aalaha hoos ku qoran.

1-Nin kaan ,waa Cabdiraxmaan cabdishakuure,ma laba waji buu kula kala shaqaynayaa kooxda isbedel doonka ah iyo Xassan Shiikh maxamuud ,koley isaga cidi dooran maysee ma dhana ha ku qadine khalkhaale ugu jirbaa?

2-Ma caadifada uu qabyaalada u hayaa ka xoog badisay oo meel ku simiweyday?

3-Miyuusan ogayn in aan beeli wax dooran Karin hadaysan afarta beelood kale taageera ka helin?

4- Ma iloobay in uu bulshada horteeda ka sheegay in xaalada dalku maraayo loo baahan yahay badbaado iyo samatabixin?

Isku soo wada duud aniga ayaa is qanciyey oo waxaan isku qanciyey in ninku ka mid yahay kooxda ku eedaysan gadashada badda Soomaaliya oo muranku ka taagan yahay oo hadda laba madaxweynayaal soo maray,mid resulwasaare laba jeer noqday iyo asaga oo wasiir soo noqday ay u sharaxanyihiin in ay afar sano Soomaaliya ka noqdaan madaxweyne,mid kastana leeyahay wax baa qabyo ah ee aan dhameystiro,sow uma eka baddii baan gatay ee igu sima dhulka aan iibsadee?Aan ku soo gunaanado in nin kasta oo ragaas ka mid laga filan karo arintaas iyo mid ka xun,waase arin u taala golaha shacabka ee cusub ummadduna indha ku hayso.wabilaahi towfiiq/Jimcaale

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.