Cadaado:Ciidmada Nabasugida oo ku guul dareystey weerarkii ay soo qaadeen Baarlamanka Galmudug

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Cadaado ee xarunta KMG ah ee maamulka Galmudug ayaa waxaa ay sheegayaan in iska horimaad geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac uu ka dhacay Halkaasi, Ciidamo ka tirsan Nabad suggida Galmudug ayaa weerar ku qaaday Guri ay ku shiraan Baarlamaanka maamulka Galmudug oo ku yaalla duleedka Magaalada Cadaado, waxaana halkaasi ku sugnaa ciidamo boolis ah.

Ciidamadii Nabad sugida ayaa goobtii laga jafay laguna ceshey meelihii ay kla yimaadeen, Inta la xaqiijiyay labo qof ayaa ku dhimatay , halka saddex kalena ay ku dhawaacmeen iska horimaadkaasi.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.