Gudoomiye Jawaari iyo Hay’adaha samafalka oo dalbaday lacag gaareeysa $864-Milyan oo abaaraha wax looga qabto

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari iyo saraakiil ka socotay Qaramada Midoobay iyo Masuuliyinta kale ee qeyb galay kulanka ayaa ka hadlay xaaladda Abaaraha ee ka jirta dalka Soomaaliya oo sabatay inay ku xoolo beelaan dad badan oo Soomaaliyeed oo cayr ah kaddib markii ay xoolihi dhaafeen.

Sidoo kale waxaa goobta ka hadlay masuuliyiin ka socotay hay’adaha bani’adminimada ka shaqeeya ee soo bandhigay qorshahaan lagu gargaarayo dadka ay Abaarta saameeysay oo gaaraya 3.9-milyan oo qof oo soomaali ah.

Waxayna ka dalbadeen beesha caalamka in ay taageero la garab istaagaan si ay u caawiyaan dadka duunyada inta badan ay dhaaftay ayaga qarka u saaran in ay macluul u geeriyoodaan, Hay’adahan waxa ay dalbadeen lacag gaareeysa $864-Milyan oo dollar si gar gaar loola gaaro dadka Soomaaliyeed oo haatan abaaruhu ay ku saameeyeen qaybo badan oo ka mid ah Soomaaliya.
jawaari

jawaarii

jawaariiii

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.