​Maamulka Gobolka Gedo oo Bogaadiyey Mashaariicda Horomarinta ee ka soconaya  degmada Baardheere(Sawwiro+Dhageyso)

11kii bishan 2017,ayaa Mas,uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Gedo iyo midka degmada Baardheere waxay booqdeen mashaariicda Horomarinta iyo dib u dhiska ee bilahii u dambeeyey ka soconayey degmada Baardheere.

Mashaariicdan afarta ah ee haatan maraya heer gebo gebo ah ayaa waxaa ka mid ah dhismaha Xafiiska Gudoomiyaha degmada Baardheere,Xarunta Bulshada,Garoonka kubada cagta iyo togaga biyo mareenada,mas,uuliyiintii Booqatey Mashaariicdaasi ayaa waxaa ka mid ahaa Sh.Maxamed  Xuseen Al-Qaadi oo ah G/ku xigeenka Gobolka  Gedo,Cabdulaahi Nuur Xasan oo ah Gudoomiyaha degmada Baardheere iyo Xubno kale oo ka kala tirsan Maamulka degmada iyo Odoyaasha dhaqanka.

gebagebadii Booqashada ayaa shir jaraa,id oo ay as,uuliyiintan ku qabteen Xarunta Maamulka degmada Baardheere ayaa waxay ku amaaneen Maamulka degmada mashaariicda horomarinta iyo dib u dhiska uu ka geystey degmada,waxayna si gaar ah ugu mahad celiyeen dadkii gacanta ka geystey hergelinta Mashaariicdan .

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.