DAAWO: Gudoomiyaha Gobolka Gedo iyo Xildhibaan Magan oo la kulmay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya.

Kulan muhiim ah ayey Masuuliyiin kasoo jeeda Gobolka Gedo waxa ay Muqdisho kula qaateen Safiirka Dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya, Kulanka oo ka dhacay Gudaha Safaaradda turkiga ee Muqdisho aya waxaa Safiirka la yeeshay Xildhibaan qaran.oo kasoo jeeda Gobolka Gedo Maxamuud Cali Magan, Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Jubbaland Cabdikariim Sheekh Cilmi Gudoomiyaha Gobolka Gedo Maxamed Muxumed Maxamed iyo isu duwaha Wasaaradsa Cadaladda ugu qeybsan Gobolka Gedo Maxamed gaboobe Muuse.

Kulanka ayaa safaaradda looga dalbaday sidii Deeqaha raashinka ah ee Gobolka Gedo ay ugu talashay qeybtooda loogu wareejin lahaa si bulshada ay u gaarsiiyaan madama ay iyagu masuuliyiintii gobolkaas mataleysay yihiin.

Dhinaca kale dowladsa turkiga ayaa lagu wargliyay in deeqaha waxbarasho ee ay bixiso ay ku koobtay muqdisho iyo qaar kamid ah gobolada dalka Gobolka gedo oo ah kan labaad ee Somaaliya ugu weyne wali uusan helin deeq waxbarasho oo ay turkigu bixiyeen.

Safiirka turkiga ee Soomaaliya ayaa garowsaday Dooda Masuuliyiinta isagoo u balanqaaday in hadda kadib ay arimahaas oo idil xiriir toos ah ka yeelanayaan dhinaca gargaarkane waxa uu sheegay in labada bilood ee soosocota uu deeq soomaaliya loogu talagalay saamigooda kasiin,doono.

Kulanka ayaa kusoo idlaaday is afgarad iyo jawi aad u wanaagsan oo ay dhinacyadu u wada riyaaqeen

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.