Xildhibaan Cabdi Xaashi C/llaahi oo ku soo baxay Kursigii ugu horeeyay Xubnaha Aqalka Sare Ee Somaliland

cabdi

Xildhibaan Cabdi Xaashi Cabdulaahi oo muddooyinkii ugu dambeeyay ka mid ahaa xildhibaanada baarlamaanka ayaa maanta loo doortay xildhibaan aqalka sare u matalaya gobolladda waqooyi ee dalka.

Cabdi Xaashi waxaa la tartamayay Musharax xildhibaan Maxamuud Jirde Xuseen, waxaana loolanka kursigan uu ahaa mid adag, Guddiga doorashada xubnaha aqalka sare ee gobolladda waqooyi ayaa sheegay in Xildhibaan Cabdi Xaashi Cabdullaahi uu helay 29 cod, sidaasina uu ku guuleystay.

Cabdi Xaashi ayaa noqonaya xildhibaankii ugu horeeyay ee kasoo jeeda goboladda waqooyi oo loo doortaa aqalka sare Doorashada xildhibaanada aqalka sare u matalaya Somaliland ayaa ka socota magaalada Muqdisho.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.