Daawo:Maamulka iyo Shacabka Jubbaland oo kahoryimid Musharaxnimada Cabdirashiid Xidig.

xidig

Iyadoo dhawaan laguwado in muqdisho ay ka qabsoonto Doorashada Gudoonka Baarlamaanka ayaa qaar kamid ah musharixiinta waxaa soo wajahay kalsooni kala noqosho bulsho iyo mid maamul Cabdirashiid Maxamed Xidig wuxuu kamid yahay musharixiinta Gudoomiyaha Baarlamaanka ee soomaaliya waana Musharaxa kaliya ee beeshiisa u taagan qabashada xilkaasi.

Gabi ahaanba Maamulka Jubbaland ayaa kahoryimid musharaxnimada Xidig iyagoo markii hore talooyin badan oo ay u gudbiyeen uu kabiya diiday Sidoo kale qeybaha Bulshada ee Jubbaland sida Odayaasha Dhaqanka Siyaasiyiinta iyo ururada Bulshada ee Jubbaland ayaa dhinacooda kahoryimid nusharaxnimada Cabdirashiid Xidig iyagoo cadeeyey mowqifkooda iyo cida ay xilkaas la rabaan.

Bulshada iyo Maamulka Jubbaland ayaa si buuxda u taageeray Gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka hadane ah musharax gudoomiye Maxamed SHeekh Cusmaan Jawaari kaasi oo ay u arkaan in uu u qalmo xilka gudoomiyaha Bacdamaa uu khibrad dheer iyo aqoonba uleeyahay qaanuunka iyo in wax la maamulo.

Xidig ayey ku eedeeyeen inuu yahay mid dhabarjabin ahaan loo sharaxay kaasi oo ay dabada kawadaan Madaxweyne xasan Sheekh iyo musharixiin kale kuwaa soo doonaya in tartanka madaxweynimo ay karabeen Musharixiin cadcad oo ay kamid.yihiin Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo Cabdulaahi Cilmooge Xirsi, kuwaas oo hadii xidig uu gudoomiye noqdo si toos ah daaqada uga baxaya.

Sikastaba Musharaxnimada Cabdirashiid Xidig ayey si mideysan uga horyimaadeen Bulshada iyo Maamulka ka arimiya Deegaanada Jubbaland.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.