DAAWO: Aqoonyahan ugu Baaqay Maamulka Jubbaland in ay joojiyaan Caburinta ay ku hayaan Wariyayaasha Madaxa banaan.

Iyadoo waayadii dambe ay isa soo tarayeen Tacadiyadaha iyo caburinta lagula kacayay Bahda warbaahinta madaxabanaan uu Jubbaland kahawl gasha ayaa waxaa caburintaasi ka hadlay aqoonyahano iyo Suxufiyiin u adkeysan waayay dhibaatooyinkaasi.

Rug cadaa Saxaafadeed iyo Aqoonyahan Cabdi Maxamed Warsame “Deeq Faandhe” oo Shir jaraa’id oo uu arintan kaga hadlaayo Warfidiyeenada u qabtay ayaa si adag u cambaareeyey Maamulka Jubbaland oo uu ku eedeeyey in ay caburin iyo caga jugleyn joogta ah ku hayaan Warbaahinta Madaxa banaan ee Jubbaland ka hawl gasha, isagoo masuuliyiinta Maamulkaasi ugu baaqay in laga baaqsado caburinta warbaahinta taas badalkeeedane loo ogolaado in wariyayaasha waajibaadkooda shaqo ay si wanaagsan oo aan cabsi ku jirin u gutaan.

Dhinaca kale Aqoonyahan Deeq Faandhe ayaa ka hadlay abaaraha kajira soomaaliya gaar ahaane Gobolka Gedo oo uu sheegay in waqti xaadirkan ay kajiraan abaaro saameeyey dad iyo duunyo tiiyoo ay dheertahay buu yiri ineysan jirin cid u istaagtay u gurmashada dadkaasi Wuxuuna ugu baaqay Maamulka Jubbaland iyo Dowladda Dhexe in dadkaasi tabaaleysan wax lala gaaro lana caawiyo dhibanayaasha gurmadka u baahan.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA DEEQ FAANDHE OO KA HADLAYA TACADIYADAHA WARBAAHINTA JUBBALAND IYO ABAARAHA GOBOLKA GEDO KAJIRA XILLIGAN.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.