Dalka Soomaaliya oo la qaybsaday iyo qabyaalada oo dadkiisa indha kariday. Video

jim

Waxaa hubaal ah in dadka Soomaaliyeed cudurka qabyaaladu indhaha kariday taas oo markii horana maskaxda uga dhacday oo indha la,aanta ka sokow markii hore dhimirka ka curyaamisay dareeenkii waxa hareerahooda ka dhacaya ayyan sina ugaranayn oo waxba kala socon.inta aanan u daadegin dulucda cinwaanka sare aan idin xasuusiyo qormo aan kal hore ku qoray shabakadaan ee cinwaankedu ahaa dalkii Soomaaliya oo faraha ka baxay,welina aad ka heli kartiin qolk kaydka maqaalada kuna saabsanayd shir saddex geesood ah ee ka dhacay cariga mareykanka geyiga Soomaalida oo Jabuutina ku jirto waxa laga damacsan yahay,waa Sucuudiga,USA iyo Israa,iil. Oo ay noo soo ururiyeen mahadi ha ka gaartee DALSOOR.COM.

Maantana aan soo xigto WARIYE AYAANLE HUSSEEN CABDI oo soo ururiyey warbixin sir ah ee laga helay safaarada Sacuudiga ee Dalka Jabuuti oo laga helay Wikileaks sir ay kashiftay ee lagu gabagabeeyey xaalka Soomaaliya oo awal Itoobiya ha la siiyo bay ahayde hadda loo kala qaybiyey Keenya iyo Itoobiya si siman joqoraafi ahaan iyo dad ahaanba.

Arinkaan waxaa wax ka og mas,uuliinta qaranka oo uu ugu horeeyo Madaxweynaha uu xilku ka dhamaaday Xassan Shiikh Maxamuud,waxaan ka maqnayn kuwa xilka qaranka u hanqaltaagaya ee aan afka soo marin Karin in qaranku haddaan ku jiro badbaadina u baahan yahay.

Ugu danbayn shacbiga jirada qabyaalada qaboo toos,baarlamaanka sidii ari dibaaxa dulaaleydu gorgorinaysow indhaha fura,u kaca in aad dalka badbaadisaan,haddii kale waxaad baraarugi doontaan goor xeero iyo fandhaal kala dheceen oo aanaan waxba qaban Karin,waxaana cadawga isku kaaya bahayatay ku heshiiyeen in khayraadkaga dihin dawladaha dariska ah ,carabta iyo Israa,iil ka wada faa,ideystaan magaca Soomaaliyana meesha laga saaro.Soomaliya ha noolaato danteedana ha garato.WARBIXINTA AYAANLE Hussen cabdi oo maqal iyo muuqaal ah hoos ka dhegayso/Cabdullaahi Jimcaale Faarax.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.