Daawo: Ugaaska guud ee Beesha SADE ayaa kulan sagoontis ah loogu sameeyey magalada kismayo

Magaalada Kismaayo waxaa lagu qabtay Munaaasabad Balaaran oo lagu sagootinayay Ugaaska Guud ee Beesha Sade Ugaas Maxamed Ugaas Xaashi ugaas xirsi oo dhowrkii Bilood ee lasoo dhaafay Kismaayo Ujoogay arimo la xiriira Doorashadii Baarlamaanka.

Munaasabadda oo ay soo qabanqaabiyeen qeybaha kala duwan.ee bulshada beesha sade ee kudhaqan Magaalada Kismaayo.ayaa waxaa kasoo qeybgalay Waxgarad, Aqoonyahanno Siyaasiyiin Ganacsato Dhalinyaro iyo haweenka ku,dhaqan Magaalo Xeebeedka Kismaayo.

Munaasabadda oo ay,dad kala duwan ka hadleen ayaa Nuxurkeedu ahaa in Ugaaska si nabad ah lagu sagootiyo

Ugaaska iyo Wafdiga dhaqan ee uu Hogaaminaayo ayaa ku,wajahan Magaalada Garbaharay ee Xarunta Gobolka Gedo, Halkaas oo uu ka furmi doono shirweyne lagu dhisaayo gole guurti oo ay yeelato Beelweynta sade.

Ugaas Maxamed Ugaas Xaashi Ugaas Xirsi ayaa saldhigan doono xiliyada soo aadan Xarun Goboleedka Gedo ee Garbaharay,
Dhowrkii Bilood ee lasoo dhaafay ayuu Ugaaska Kismaayo u joogay Xulistii xildhibaanada Beesha Sade u matali lahaa Baarlamaanka Federaalka ee Soomaaliya kuwaas oo dhawaan halkaasi lagu soo doortey.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.