XOG: Golaha Wasiirada ee Jubbaland oo dhawaan la isku shaandheynaayo, iyo Wasiiro Muhiim ah oo …

Xilli mudooyinkii dambe lahadal hayay in Golaha wasiirada ee Maamulka Jubbaland lagu sameeyo Isku shaandheyn ayaa Usbuuca soosocda waxaa la hadal hayaa in ay dhacdo isku shaandheyntaasi.

Isku shaandheyntan ayaa la filayaa in ay Galaafato xubno muhiim ah oo ka tirsan Maamulka Jubbaland kuwaas oo qaarkood ay aad ugu dhawyihiin Axmed madoobe.

Liiska xubnaha ay,Gedotimes Heshay in uu daadka qaadi doono ayaa waxaa kamid ah Wasiirka Arimaha Gudaha Maxamed Warsame Darwiish, Wasiirka Xanaanad Xoolaha ee Jubbaland Maxamed Nuur Dhay Wasiirka dhalinyarada iyo Ciyaaraha Maxamed Yuusuf Aw-libaax, Wasiirka Warfaafinta Cabdinuur Cali Aadan, iyo wasiirka Qorsheynta Xuseen Shambaara.

Wasiiradaas ayaa lagu eedeeyey waxqabad xumo iyo in aysan xitaa mudadii ay magacownaayeen aysan sameysan wax xafiis ah oo ay ku shaqeeyaan.

Sidoo kale Wasiiro Axmed Madoobe aad ugu dhaw ayaa lafilayaa in Wasaarado kale loo wareejiyo waxaana Sakhsiyaadkaas kamid ah Cabdirashiid Xasan Nuur “Indhakori” oo ah Wasiirka Amniga kaasi oo lasheegay in booskiisa lagu wado in loo Magacaabo Zakariye Ismaaciil Xirsi oo ah Masuul aad loo yaqaano kaasi oo ay barataarayaan Dowladaha saameynta kuleh Siyaasadda Dalka gaar ahaan tan Jubbaland.

Zakariye ayaa la aaminsanyahay in uu waxkaqaban karo Amniga Jubbaland Bacdamaa uu horay uga tirsanaa Alshabaab, waxaana ku doodaya in Golaha uu kasoo dhex muuqdo Dowladaha Mareykanka iyo Kenya oo u caalweysay dhibaatooyin iyo Weeraro shabaabka kaga imaanayay.

Macalin Maxamed Ibrahim oo ah Wasiirka Waxbarashada ayaa lahadal hayaa in Wasaaraha Xanaada Xoolaha ama Beeraha Midkood loo wareejin Doono, iyadoo Wasaaradiisa lafilaayo in loo Wareejiyo Wasiirka Cadaaladda ee hadda Aadan Ibrahim Aw-xirsi.

Waqtiba waqtiga ka dambeeya waxaa iska soo daba dhacaya wararka la xiriira Shakhsiyaadka uu Isbadalkani saameyn doono lamana oga waxa iskabadali karo Xogtan ay Gedotimes akhristayaasheeda u soo gudbisay.

Wixii kusoo kordha Siyaasadda Jubbaland hamoogaan Gedo Times.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.