Maadeeq Waa foolanaysaa ee Maxay Dhalin??? W/Q Jcaale

jim

Waaqti welwelkiisa leh dareenka dadkuna aad u kacsan yahay inta waxgaraynaysaana wadnaha farta ku hayso,waxaa loo dhegataagayaana tahay koley ku khasaarnay afarta sano oo na dhaaftay ee khatarta ay na galiyeen kuwa naga badbaadiya oo nasamatabixiya Alle ma noogu badeli doonaa.Runtii waa rajada dadka soomaalinimadu ku jirto ee aan weli quusan ama is dhiibin,ka dhursugaya in mar un karaamadii iyo sharaftii Soomaalidu soo noqoto.

Haadaanta ay nagu rideen oo waxgaradka Sooamaalidu ka digayey ayyaguna indhaha sacabka naga saarayeen manta oo taariikhdu tahay 29/12/2016,bay daboolka ka qaadantay markii tuulo degmada Galdogob ka tirsan Ciidamada Itoobiya weerar qaawan ku soo qaadeen ayada oo ay ku sugnaayeen ciidan yar oo Puntiland ka tirsan oo ay rug baaris ahaan u joogay kala wareegeen taliyihii ciidankaasna dileen,kadibna dad shacaba oo dhawaqa rasaasta maqlay oo gurmahad ahaan u soo yaacay ay dhawr qof ka dileen ilaa haddana ku sugan yihiin ayyaga oo calankii Jamhuuriyada Soomaaliya ka dejiyey, kii puntiland ku dhaafay,halkii calankayaga laga dejiyeyna la suray kan Itoobiya!

Ma harin hadal lays yiraahdaa,waxa marqaati fur u tahay nimanka afarta sano nahaystay halka ay noo wadaan,waxaa sii cadaynaaya in ayyan ilaa hadda ka hadlin,kama hadli doonaan,

Isku soo wada duub waxay fariin culus u diraysaa Golayaasha talada qaranka loo soo doortay oo hadda xilka loo dhaariyey ee laga sugaayo badbaado qaran in ay tilaabo qaadaan,waad baahan tahay baqti loo ma cuno,islamarkaas waxaa laga sugayaa in ay keenaan hoggaan bedela kuwii na hoday afarta sano ee qaranka samatabixiya.

Wabilaahi Towfiiq /Jimcaale.A

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.