DAAWO: Munaasabad Qalin jabin ah oo loo qabtay Iskuulka Gogol ee Garbaharay kana Qeyb-galeen Maamulka Gobolka Gedo oo Degmadaasi ka dhacday.

Munaasabad si heer sare ah loosoo,Agaasimay,ayna ku qalin jabinayeen Ardayda dhameysatay.sanad.dugsiyeedka 2015/2016 ee Dugsiga hoose Dhexe ee Gogol ayaa ka.dhacday Degmada Garbaharay. Munaasabada qalinjabinta.iyo shahaado,siinta ardayda waxaa kasoo qeybgalay masuuliyiin kala.duwan, Sida Gudoomiyaha Gobolka Gedo Mudane Maxamed Muxumed Maxamed, Kuxigeenkiisa Alqaadi, Gudoomiyaha Degmada Garbaharay Iimaan Cadow.Kaarshe, Taliyaha.Guutada Sagaalaad ee Ciidamada Dowladda Gaashaanle Sare Maxamed Cadow Cali Sanka, Gudoomiye Kuxigeenka Degmada Garbaharay, Cabdi Barre dhageey, Gudoomiyaha Ururka Haweenka Gobolka Gedo Marwo,Faadumo Nuuro Sheekh Daahir, Hogaanka Mu’asasad Alqalam ee uu Iskuulka Gogol hosotago iyo Marti sharaf,kale. ugu horeyn waxaa Munaasabadda kahadlay Maamulka Iskuul Gogol, iyo Masuuliyiin kasocotay Daladda Alqalam oo ah Dalada waxbarashada ugu facaweyn Gobolweynaha Gedo,.iyagoo.ka warbixiyay,marxalidihii kala duwanaa ee uu Iskuulka soomaray. Marti,sharaftii Munaasabadda lagu casuumay ayaa.dhinacooda hadalo dhiiragalin iyo mahadnaq isugu jira u jeediyay Mu’asasada Alqalam, iyagoo ka codsaday in ay hawsha culus ee ay,hayaan halkooda kasiiwadaan. Gabagabadiine waxaa ardeydii.dhameystay.Dugsiga.hosee dhexe ee Gogol SHahaadooyinkooda Gudoonsiiyay Gudoomiyaha Gobolka Mudane Maxamed Muxumed Maxamed. Maalmihii lasoo,dhaafay Maamulka.Cusub ee Gobolka Gedo ayaa hormaro lataaban,karo waxa uu kawaday Magaala Madaxda Gobolka Gedo ee Garbaharay.
gogol-1

gogol-2

gogol-3

gogol-4

gogol-5

gogol-6

gogol

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.